|
Tripoli..Libiya.. Wafdigii uu Hoggaaminayay
Raiisul Wasaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya
Prof Cali maxamed Geedi,uuna ka mid ahaa Wasiirka
Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Cabdirisaaq
Cusmaan xasan Juriile, ayaa galabta saacadda Tripoli
markay aheyd 6dii Maqribnimo ka soo dagay garoonka
Caalamiga ah ee Dalkaasi.
Warkaasi oo aanu ka helnay Afhayeenka Dowladda oo la
socdo Wafdigaasi Mudane Cabdiraxmaan Nuur Maxamed
Diinaari ayaa intaa raaciyay in Booqashada raiisul
Wasaaraha ay la xiriirta Martiqaad uu ka helay
Hoggaamiyaha Jamaahiiriyadda Libiya Mucamaral Qadaafi.
Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in Wafdiga Raiisul
Wasaare Geedi ay joogi doonaan Tripoli muddo sadax
cisha ah ayna Dowladda Liibiya ka filayaan in la siiyo
Taageero Dhaqaale oo ay Dowladda Soomaaliyeed
weydiisatay Dalka Liibiya si ay wax uga qabato
Mashaariicda dib loogu dhisaayo Dalka soomaaliya,gaar
ahaan Mashaaricda degdeg ah ee dib loogu dhisaayo
Maamulka laguna nabadeynayo Dadweynaha ku Degmooyinka
iyo Gobalada dalka Soomaaliya.
Mudane Diinaari wuxuu kaluu sheegay in Raiisul
Wasaaraha uu maalinta Talaada ah usii gudbi doono
Mgaalada Dakar ee caasimada dalkaasi Senigaal oo Kulan
mihiim ah kula yeelan doono maaxweynaha Dalkaasi
Mudane Abdallahi Wade oo isagu ka mid ah
Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika ee ugu sumcadda
Dheer.
Madaxweyne Wadde iyo Raisul Wasaare Geedi waxay
kulankasi muhiimka ah kaga wada hadli doonaa sii
xoojinta Xirirka Iskaashi ee labada Dal ee Somaliya
iyo senigaal iyo in Madaxweynaha senigaal uu dadaal u
galo in Beesha Caalamka ay gacan siiso Dowladda
soomaaliyeed,gaar ahaan dhinaca Siyaasadda iyo
Maaliyada.
Raiisul Geedi iyo Madaxweyne Wadde waxay toddobaadkii
hore ku kulmeen Magaalada Sirte oo lagu qabtay Shirka
ururka Midowga afrika.
|