Madaxwaynaha
DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf iyo Ra?iisul Wasaare
Geedi oo shalay ku saxiixay xarunta Guddiga Midoowga Yurub heshiis ah
Memorandum of Understanding.
Prof. Geedi, M. Yuusuf, Mr. Barosso, iyo Mr. Michel
Madaxwaynaha
DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra?iisul Wasaare
Geedi ayaa shalay ku saxiixay xarunta Guddiga Midoowga Yurub heshiis
ah Memorandum of Understanding.
Madaxda sare ee DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Madaxa Guddiga
Midoowga Yurub Mr. Barroso iyo Madaxa Gar-gaarka iyo Horumarinta Midoowga
Yurub Mr. Michel iyago kulanka kadib si rasmi ah uga warbixiyay saxaafada
waxa uu ku saabsanaa heshiiska ay wada saxiixdeen Madaxda, halkaasna
ay si wada jir ah ugu qabteen shir saxaafadeed goobta la yiraahdo VIP
Corner ee ah halka lagala hadlo saxaafada oo ku taal gudaha xarunta
guddiga Midoowga Yurub, ugu horeyntiina waxaa furey Madaxa Guddiga Midoowga
Yurub Mr. Barroso oo ku soo dhoweeyey Madaxda DFKMG ah ee Soomaaliya
isagoo sheegey wakhti badan kaddib Soomaaliya markii ay ku jirtay marxalad
adag iyo dhibaato in ay maanta suurto gashay in ay dowlada cusub heshiis
la saxiixdaan Midoowga Yurub. Heshiiskaan oo u ogolaanaya Dowlada Soomaaliya
in dib loogu furo deeqaha iyo barnaamijyada dib u dhiska dalka Soomaaliya,
sidoo kale ayuu Mr. Barroso ugu hanbalyeeyay Madaxda sare ee Soomaaliya
in ay yihiin kuwo doonaya in ay u istagaan maanta
dib usoo celintii nabada dalka Soomaaliya iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna
balan qaaday isagoo ku hadlaaya magaca Guddiga uu Madaxda u yahay ee
Midoowga Yurub iyo Madaxa Horumarinta Mr. Michel in ay ka taageeri doonaan
dib usoo celinta nabada gaar ahaan nabadaynta magaalada Muqdisho.
M. Yuusuf
Waxaa ku xigay oo hadalka qatay Madaxwayne Yuusuf oo sheegay in uu ku
faraxsan yahay kala saxiixashada heshiiskaan oo uu ku sheegey mid albaabada
u furaaya Soomaaliya soo noqoshadeeda, wuxuuna uga mahadceliyay Midoowga
Yurub tageerada ay markasta la garab taagnaayeen Soomaaliya, isagoo
ku daray in ay si wada jir ah u wada shaqayn doonaan mustaqbalka si
saxiibtinimo leh.
R.W Geedi
Waxaa
ku xigay Ra?iisul Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Geedi oo isagu
ku shaagay saxiixa heshiiskaan ay kala saxiixdeen Midoowga Yurub iyo
Dowlada Soomaaliya in uu yahay dhacdo taariikhi ah oo sheegaysa in ay
Soomaaliya soo laabatay kaddib dagaalo sokeeye oo qaatay 15 sano
Commissionner Michel
Mr.
Michel oo ku xigay ayaa sheegay isna inuu tagi doono dalka Soomaaliya
bartmaha bisha May ee sanadkaan kaddib markii uu ka helay casumaad Gudoomiyaha
Baarlamaanka DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xassan,
Waxaa
ii suurto gashay in aan fursad u helo su?aashii ugu horeysay anigoo
ka mid ahaa dhowr saxafi oo loo ogolaaday in ay ka qayb galaan shirkaas
jaraa'id oo kala aniga iyo wariye ka socda TV Universal iyo wariye ka
socda BBC laanta afka Soomaaliga waxaana ku su'aalahayga ku waydiiyay
luuqadda Afka Soomaaliga Madaxayne Yuusuf iyo Ra?iisul Wasaare Geedi,
ugu horreyntiina waxaan waydiiyay su?aal Madaxweyne Yuusuf taasoo ahayd
:
Su?aal
: Mudane Madaxwayne waxaad adduunka ka dalbataa mar kasta in dalka la
keeno ciidamo shisheeye, isla markaana laga qaado cunaqabataynta hubka
dalka Soomaaliya arrimahaas ma kusoo qaaday guddiga Midoowga Yurub haddii
aad kusoo qaadayse maxay kaa yiraahdeen ?
Jawaab
: Marka hore su?aasha anigaad igu hormarisay, af Soomaali ayaad wax
nagu su?aashay af Soomaali ayaanu kaaga jawaabaynaa.
Soomaaliya xaaladeeda waa la ogyahay, 15 sano oo lasoo dhaafay siday
ku jirtey waa la og yahay haddeer wali Muqdisho waxa ka socda waa la
soconnaa, waxay ila tahay amniga Soomaaliya inuu u baahan yahay in deg
deg wax looga qabto, waxaanan aaminsanahay, oo aan qabaa in golayaasha
dowladu ay qabaan in loo baahan yahay Soomaaliya amnigeeda si wax looga
qabto in ciidamo shisheeye la keeno, ciidamo Soomaaliyeedna dib loo
dhiso, si wadanka amnigiisa wax looga qabto, xasiloonidii loo soo celiyo,
dadka loo heshiisiyo hubkana la iskaga dhigo, dabeedna midnimadii inta
la soo celiyo oo tafaraaruq baa dhacayee la soo celsho in loo soo jeesto
sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaliya, oo lagu horumarin lahaa iyadoo
qaranimadii iyo sharafkii iyo midnimadii ummada Soomaaliyeed la ilaalinayo
oo la dhoowrayo, waana mahadsan tahay.
Waxaa
sidoo kale su?aal waydiiyay Ra?iisul Wasaare Geedi taaso ahayd :
Su?aal
: Mudane Ra?iisul Wasaare waxaan ku waydiinayaa kulankaan iyo kulankii
aad bishii November ee lasoo dhaafay la yeelatay Commissioner Michel
maxay ku kala duwan yihiin ?, Mr. Michel wuxuu dowladaaada u ballan
qaaday dhaqaale badan wali wax doowladiina soo gaaray ma jiraan ?
Jawaab
: Safarkayga hore iyo midkaan aan ku nimid magaalada Brussels, kii hore
wixii lagu ballamay ayaa iyagoo dokument ah la saxiixay maanta, waana
jidka furi kara kaalmada caadiga ah ama tooska ah ee Midoowga Yurub
uu siin karo dalka Soomaaliya, inkastoo waligood ay ahaayeen deeq bixiyeyaasha
ugu waynaa ee Soomaaliya.
Saida
Sheikh Ahmed VIP
EU Press Section
Brussels Belgium 