|
BANADIR.COM DEC 23 2004
RAIISAL WASAARAHA JAMHUURIYADDA SOMALIYA PROF. CALI MAXAMED GEEDI AYAA MAANTA KA HELAY KALSOONI BUUXDA GOLAHA BAARLAMAANKA OO COD KU QAADAY MAGAALADDA NAIROBI.
WAXAA COD SIIYAY 229 MUDANE , WAXAANA U DIIDAY 6 MUDANE , HALKA 24 KALENA AY KA AAMUSEEN.
PROF. GEEDI OO MUDDO SEDEX TODOBAAD AH KALSOONIDDA LAGALA NOQDAY AYAA U MUUQATAY GUUL WAYN OO U SOO HOYATAY DHAMAAN UMMADDA SOOMALLIYEED EE U MUUJIYAY IN PROF. GEEDI KALSOONI LAGU QABO.
LIXDA MUDANE EE CODKA U DIIDAY RAIISUL WASAARAAHA WAXAA LAGU SHEEGAY SIDAN:
1-MUUSE CALI, 2- HILOWLE IIMAAN, 3-CUMAR JAAMAC, 4-JINI BOQOR 5- JAAMAC CALI JAAMAC IYO 6-SHEIKH XASAN.
|