|
(June 14, 2005), Maxamed Dheere oo sheegay in dowladdu aysan ka soo degi Karin magaalada Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe, isaga sidoo kale diiday oo diiday in uu qabto xilkii dhawaan uu u magacaabay madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Shir jaraaid ee uu maanta ku qabtay magaalada jowhar ee xarunta u ah gobalka Shabeelaha Dhexe ayuu Max’ed Dheere ku sheegay in dowladdu aysan qaadi Karin magaalada jowhar, maadaama ay tahay magaalo aad u yar waxa uuna ku taliyey in dowladdu ay degto magaalada Muqdisho..
Hadalkan uu bixiyey Maxamed Dheere ayaa waxa uu daba socday war uu xalay bixiyey R/wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Porf Cali Max’ed Geedi, oo uu ku sheegay in uu Muqdisho tagayo, waxa uuna Maxamed Dheere sheegay hadii ay dowladdu go’aansatay in ay degto Muqdisho in ay ku taageerayaan, waxa uuna muujiyey in uu ku qanacsan yahay uuna ku taageerayo halkii ay dowladdu degto.
Max’ed Dheere waxa uu meesha ka saaray in uu jiro khilaaf u dhaxeeyo Isaga, Madaxweynaha iyo R/wasaaraha , ama uu ka carooday socdaalkii lagu waday in uu ku imaanayo magaalada Jowhar madaxweynaha kaasoo baaqday lagana war helay in uu ka degay Jabuuti.
Max’ed Cumar Xabeeb (Dheere) waxa kale ee uu sheegay in ay dib u soo celinayaan dadkii ay ka saareen xafiisyada dowlada ee magaalada Jowhar kuwaasoo dad shacab ah ka dib dagaaladii sokeeye deegaano ka dhigtay.
Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada ee maamulka Shabeelaha Dhexe Maxed Cumar Xabeeb ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in uusan raali ka aheyn xilka loo magacaabay ee ah lataliyaha amaanka ee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxa uuna intaasi raaciyey in aan lagala tashan xilkaasi, diyaarna uusan u aheyn in uu qabto.
Max’ed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa waxa uu ahaa hogaamiyaha kaliya ee ka madax banaan dowladda isla markaana aad u taageersan waxa uuna in muddo ah ku howlanaa diyaarinta magaalada Jowhar, isaga oo horay u sheegay in ay diyaar yihiin in ku dhaw laba boqol oo guri iyo xafiisyo ay ku shaqeyneyso dowladda. waxa uuna xilkiisii xildhibaanimo uu uga haray R/iisul wasaare Cali Maxamed Geedi.
|