Raiisul Wasaare Geedi iyo Xubnaha Labada Gole oo Heshiiyay.

War...3..May- Muqdisho... Raiisul Wasaaraha Dowladda
Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi
iyo Xubnaha Labada Gole ee horay u joogay Magaaladda
Muqdisho ayaa Heshiis ku gaaray inay Iska Iloobaan
Khilaafkii Isfaham la'aan ee ka dhaxeeyay ayna u
Istaagaan Badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed.

Heshiiskaasi oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee
Xisbigii Hantiwadaaga ee hore, waxa ay ka
dambeysay,mar uu soo jeediyay Ra'iisul Wasaare Geedi
Xiraayay Seminaar loo xirayay Saraakiisha
Maleeshiyaadka oo u socday Maalmihii tagay,kadib
markuu weydistay Is-cafin iyo in leeska Iloobo wixii
horay u dhacay.
Mudane cali Maxamed Geedi oo hadalkiisa sii wata ayaa
caddeeyay inuu la qaatay Qorshihii ay soo jeediyeen
xubnaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee ku wajahnaa hub
ka dhigista iyo Xareynta Maleeshiyaadka Magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in loo bahan yahay in ficil
laga dhigo Howshan oo la xareeyo Ciidamada
maleeshiyaadka,Hubkana leeska dhigo.

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Mudane Cali
maxamed Geedi wuxuu intaa raaciyay in sida uu sheegay
Wasiirka ganacsiga Mudane Muuse Suudi Yalaxow ay
Dowladda Soo guuri doonto dalkeedana ku soo laaban
doonto,wuxuuna sheegay in uu ku faraxsanyahay Howshan
wax ku oolka ee ay Xubnaha labada gole qabteen, maanta
ay Ummadda soomaaliyeed ka sugeyso inay mid ahaadaan
oo ay si wadajir ah wax ugu qabtaan Ummadda
soomaaliyeed oo maanta u baahan dowlad wax u qabata oo
ka saarta dhibaatada ay k soo jireen 14-sano ee la soo
dhafaay.
Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka KMG Mudane
Xaaji Muuse suudi yalaxow oo isna munaasabaadasi ka
hadlaayay ayaa caddeeyay in Howshan ay sii wadi doonan
ilaa ay ka gaaran Horumar la taaban karo,iyadoo uu
tilmaamay ay isku tashadeen haddii ay helaan kaalmo ay
sii wadi doonaan howshaasi isagoo intaa raaciyay in
ay sii dhameystiri doonaan ka soo qeybgalinta dadka
haray.
Wasiiir ku xigeenka Iskaashi Gobaleedka Kenya Joseph
Nyaga oo isna ka hadalay ayaa aad usii dhaweeyay
kulankooda,isagoo sheegay in uu darsaayay maalmahan in
Shacbiga Soomaaliyeed ay doonayaan Dowlad, isagoo
tilmaamay in uu taasi ka arkay Ardaydii,Waxgaradkii
,aqoonyahankii uu la kulmay shalay iyo maanta.
Mr.Joseph Nyaga, wuxuu uu weydistay Xubnaha Labada
Gole,Xubnaha saraakisha sare iyo maleshiyaadka inay is
cafiyaan ay u midooban sidii ay wax u qaban
lahayeen,isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in
Beesha calamka u caddeeyaan inay mid yihiin,wuxuu
kaloo ka dalbaday inay iska dayaan Qab weynida iyo is
riixriixa.
Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay Wakiilka gaarka ah
ee Xoghayaha guud ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya
Femi Badajo wuxuuna sheegay in arrintan ay tilmaameyso
in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeyo labada
Gole, Madaxwynaha, raisul wasaaraha, wuxuuna amaanay
howsha ay qabteen, isagoo caddeeyay in ay sii wadi
doonaan Taageerada ay Qaramada Midoobay siiyaan Dalka
soomaaliya isagoo intaa raaciyay in uu rajeynaayo in
Xoghayaha guud inta aanu xafiiska ka tagin uu
rajeynayo in uu soo booqdo Caasimada dalkan
Soomaaliya.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya mudane cali Maxamed geedi
wuxuu kaloo maanta soo booqaday Dugsiga dhexe iyo Sare
ee Alfajri, Jaamacadda Muqdisho, Machadka Simad oo uu
kula Kulmay Ardayda,Macalimiinta waxayna dhamaantood
Raiisul Geedi u balanqadeen inay Taageero Hiil iyo
Hooba ay sii doonaan .


Mudane Geedi wuxuu kaloo soo kormeeray Cusbitaalka
Banaadir ee Hooyada iyo Dhalaanka, wuxuuna ku soo
wareegay qeybaha uu Cisbitaalka ka kooban yahay,
wuxuuna halkasi dhaliil uga soo jeediyay Hay'adaha
Samafalka oo aan taagero wax ku ool ah siinin.

abdirahaman diinaari <diinaari@yahoo.com>