|
Sirte, Libya 4 july
Raiisal Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi
oo uu wehliyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga
Caalamiga ayaa xalay xarunta uu Shirka Midfowga Afrika
ka socdo kula kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo
Horumarinta u qaabilsan Dalalka midowga Yurub EU Mr
Luise Micheal iyo Agaasimahiisa Guud Mr. Stevano
Manservice.
Raiisul Wasaaraha Federaalka KMG ee Soomaaliya iyo
Wasiirka Iskaashiag iyo Horumarinta waxay kulankaasi
iskula soo qaadeen qoddobo muhiim ah oo ay ugu
waaweynaayeen:.
1-sidii ay usoo dadajin laheyd ururka
midowga Yurub Dhaqaalihii loo qoondeeyay qarashaka
lagu soo rarayo Ciidamada ka socda Ururka IGAD ee ka
iman doona Dalalka Sudan iyo Yugaanda.
2-In Midowga Yururb ay bixiso Qarashaka dib loogu dhisaayo Ciidanka
Boliska Soomaaliyeed ee dhinacayada
Mushaaraadka,Tababarida, Qalabeynta iwm.
3-In dalalaka Midowga Yurub ay Dowladda Soomaaliyeed
gaar ahaan Hay'adaha Dowladda ay gacan ku siiyaan
diyaarinta qorshaha dib loogu dhisaayo Dalka, gaar
ahaan ka gacansiinta Qubaro aqoon u leh diyaarinta
Qorshaha Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda, gaar
ahaan Wasaarada Qorsheynta.
Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta u qaabilsan
Midowga Yurub Mr.Luise Micheal wuxuu Ogolaaday
Codsigaasi uu soo jeediyay Raiisul Wasaaraha, wuxuuna
u sheegay in dhawaan loo soo magacaabi doono Wakiil
Daleed oo isku dubarida Howlaha dalalaka EUda ay ka
qabanaayaan SDoomaaliya.
Raiisul Wasaare Geedi ayaa lagu wadaa in uu maanta
galinka dambe la kulmo Madaxweynaha Komishanka ururka
Midowga Yurub Luise Poros.
|