|
Abu Dhabi(WAM),5ta September 2004,
By Banadir.com
Sida ay soo warisay wakaaladda Wararka Imaaraadka (WAM),waxaa madaxa walaayadda Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya Col. Cabdullahi Yuusuf ku qaabilay dorraad (3/9/2004) Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka ee Abu Dhabi sarkaal sare oo ka socda Xukuumadda dalkan Imaaraadka.
Qaabilaadan oo ku dhacday jawi sare, wuxuu Col. Cabdullahi Yuusuf uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo Dawladda Imaaraadka taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin shicibka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana gargaarka iminkadan loogu ballan qaaday in la gaarsiiyo meela ka tirsan gobolka Puntland oo abaaro ba,ani ka jirto.
Col. Cabdullahi Yuusuf oo dhawr jeer socdaalo gaar ahaaneed ku yimid Imaaraadka , ayaa booqashadan loogu qaabilay sifo rasmi ah oo la mid ah habka loo soo dhoweeyo madaxda dawladaha, isagoo lagu dejiyay hoteel shan xidigood ah (5 star Hotel) .
Sida aynu la socono, wuxuu Col. Cabdullahi Yuusuf ugu jiraa olole xooggan loolanka madaxtinimada shirka nabadeynta ee Soomaalida uga socda magaalada Nairobi. Waxaa hadaba shaki ku jirin in qaabilaaddan iyo xoolaha loogu yaboohayba ay qayb weyn ka qadan doonto sidii uu hanan lahaa Korneylka hadafkiisa, kaas oo ah inuu Madaxweyne ka noqdo maamulka Soomaali looga soo dhisi doono dabayaaqada bishan September ama horraanta bisha soo socota ee Oktoobar 2004.
|