WARBIXINTA KORMEERKA KOOXDA KHUBARADA EE SOOMAALIYA EE DABA-JOOGAY FULINTA AXDIGII GOLAHA AMMAANKA EE CADDADKIISU AHAA 1425(2002)
ARAR :
Koox xeel dheerayaal ayaa
waxay soo heleen in si cad loo jebiyey awaamiirtii hubka lagaga joogiyey
Somaaliya,hubka qaabka, tababaraka
maleysiyada iyo wixii taakulo lacageed
ah ayaa waxa ay si joogta ah hoggaamiye
kooxeedyada u siinayey dowladaha jaarka ah iyo kuwa kaleba illaa iyo intii golaha ammaanku gaarey
go’aankii 7334 (1992)ee 23janaayo1992 .Hubka sidoo kale waxay
hoggaamiye kooxeedyada ka soo iibsanayeen suuqyada hubka ee caalamiga
ah ,Arriinta xun ee lagu
xadgudbay joojinta hubku way socoota
illaa maanta xataa iyadoo hoggaamiya kooxeedyada iyo jaarkooduba ka qayb gelayaan shirka IGAD
hoggaaminaysa ee nabadda iyo dib-u-
heshiinta Somaaaliya .
Waxay saxiixeen caddeyntii
joojinta cadaawadda ;dhismaha iyo mabaadii’da did-u- heshiinta qaran ee
Soomaaliya ,taasoo ay aqbaleen si buuxda in loo fuliyo mamnuucidda hubka iyo in ay sahlaan koormeeridda
caalamiga ah .
2 )Waxaa weeyaan fikirka
gudiga in nadaamka cunaqabateynka noqdo mid la hormariyo laguna fuliyo go’aan
qaadaasho adag.Hoggaamiye kooxeedyada
Somaaliya waxay isku qanciyeen in shaqooyin guddigu u socon karaan sidii caadiga u ahayd
maaddaama aaney ka arag xoojin run ah oo Jamciyadda Qarumaha ka dhaxeysa ama
Waddamada xubnaha ka ah xagga mamnuucidda hubka 12 sano. Ugu yaraan hal
munaasibad ah ayaa guddigu si caddaan ah u arkeen hub, qalab iyo dhar ciidan oo cusub maleeshiyada haysato
goob joogna uu ka yahay nin hoggaamiye
siyaasadeed ah kaasoo isla markaane diiday inu tuso wax rasiid ah ee hubka
,Fikirka lagu diiday go’aankii golaha nabadgelyadu gaarey wuu socon doona
haddii aan bulshada caalamku tusin go’aan adag oo lagu hirgelinayo nadaamka
mamnuucidda hubka iyo in la sii wado isha in lagu hayo si buuxdo iyada oo la baarayo ku xadgudub cusub ee hub joojinta .
3)Khilaafkii jiray in kaban
12 sano wuxuu si fog u sii kala googooyey bulshada Somaaliyeed dagaalkuna hadda kuma wajahna rabitaanka
dhismaha qaraan sida soo celinta
sharciga iyo kala danbeynta ama qabashada adeegyada muhiimka ah balse in laga hormariyo danta
shaqsiyadeed..Kaalinta odayaasha dhaqanka ee dhexdhexaadiyanimada iyo
heshiisiyayaasha nabadda waa la fashiliyey.
4) Iyadoo ay jiraan
xadgudubyadan xun ee tooska ah waa in la sheego in aqlabiyadda ballaaran ee
(kisaaska) denbiyada ee guddigu baaray ay la xiriidho soo dejin
tiro badan marka loo eego
hubka yaryar iyo rasaasta .Nooca khilaafka
Somaaliya wuxuu u baahan yahay in
ka badan wax yar intaa ;Inkasta oo hoggaamiye kooxeedyada qaarkood iyo
ganacsato yar,ay sida la soo wariyey awoodaan abaabuulida maleeshiya ka badan
kun qof(1000) sida badan se dagaalada
Soomaaliya waxaa fuliya tiro yar oo la
siiyey tababar xun anshax aan lahayn oo
xubnaha maleeshiyada ah wuxuna
dhammaadaa waxaan ka badneyn dhowr maalmood(haddeyse tahay)ka hor intaa ay
rasaasta iyo baahiyaha kale’(sida shidaalka) ka dhammaanin.
5)Maaddaama wixii hadhay
Soomaaliya yahay qaran si qoto dheer u fakhriyey , dagaal- oogayaasha iyo hoggaamiye kooxeedyada
waa khasab inay ku dadaalaan si joogta ah keenidda lacag ku filan si ay
u bixiyaan mushaarka xubnaha
maleeshiyada iyo helitaanka hubka, iyo rasaasta oo ka sii muhiimsan
‘(kooxaha midna uma muuqdo inuu awoodo in
uu lacag tiro badan ka helo dadka dibadda ku nool sidaa darteed dagaalka
Soomaaliya waxa xuddun u ah awoodda haysasho ee hanti ama dhakhli ka soo saarka ilaha dhaqaale,
sida dekadaha, garoonka diyaradaha, suuqyada , kabadaha iyo waddooyinka ,isgooysyada la canshuuri
karo,intaa waxaa dheer hoggaamiye kooxeedyada
waxay sidoo kale qorsheyseen barnaamijyo kale si ay u keenaan lacag
kuwaas oo badi mugdi ku jiro sharci ahaantoodaba iyo qaar kale oo si cad bilaa
sharci u ah .
HUBKA U YIMMAADDA KOOXAHA
6) Suuqa hubka ee Soomaalida
waxaa laga siiyaa hubka illaa dibadda iyo gudaha labadadabo, haddana siday la
tahay badi Soomaalida way yar tahay waxa lagu
kala saari karo ee u dhexeyaa suuq yadan .sababta badi waxay tahay
hubka,rasaasta iyo lacagtuba dhammaantood
waa wax qarsoomi karo,dagaal-oogayaasha iyo shaqsiyaadka xubnaha
maleeshiyada waxay ka iibiyaan hubka iyo rasaasta dheeraadka ah suuqyada
gudaha ah si ay u soo gataan waxyaabo
kale sida cuntada iyo qaadka,Haddana
dagaal-ogayaal kale ayey badanaa ka soo
gataan isla hubki iiyo rasaasti marka la
filayo dagaal .Sidaa darteed ,marka qaar taageerayaasha dibadda laga yaabo toos inay u siiyaan hub kooxaha kala duwan ,hubkan
badidiisa iyo rasaasta inta badani kuma jirayaan gacanta kooxaha. Lidkeeda, haddii
cawiye yaal dibadda ahi u fidiyaan
mucawino lacageed , haddi aan loohaynin lacag ku filan oo lagu ilaaliyo
kaalmadaasi waxaa si sahlan loogu isticmaali karaa in lagu soo iibiyo hub iyo
rasaas.
7)Hubka iyo rasaasta
heliddooda waa diyaar ,dagaal-oogayaasha sida Qanyare Afrah iyo Xussein Mohamed
Caydid waxay yiraahdeen waxa badanaa
dhaqaale ilaalis ah inaad geli lahayd
inaad hubka ka iibsato gudaha intaad geli lahaeyd kharashka kirada caalamiga
ah. Qiimaha tafaariiq layaasha lacagta
Mareykanka AK 47 waa $120-250,ama qoriga la midka ah ee( boobaha fudud)suuqyada hubka ee badan ee
Soomaaliya waxay ku qaadaneysaa qiyaasta lacac yar in si degdeg ah loo abuuro ciidan dagaal.
8) Si kastaba ha ahaatee
sababta dagaal-oogayaasha Soomaalidu badidood
ma haystaan ganacsato xariifiin ah oo ku caawisa maleyshiyada,Waxay
yimaadeen marxalad ay ku tiirsanaadaan
taageerada dawladaha dibadda ah xagga
hubka,rasaasta iyo bahidooda kale.
9)Itoopiya waxay ka ciyaartay door ciidan oo muuqda
Soomaaliya,ma aha oo keli ah Itoobiya iney ahayd ilaha ugu waa wayn ee hubka
tiro dhowr ah oo kooxaha Somaaliya , Itoobiya waxa kale oo ay weerartay
qabsateyna qeybo ka mid ah Soomaaliya
iska yeel yeelid iyo laga yaabee in lagu qanci karo,faragelinta
ciidan ee u horeysa ee tooska aheyd ee
Somaaliya ee 1996iyo1997 waxay jawaab u ahayd dhaq dhaqaqa Al-itihad al
Islamiya, oo ay ku jiraan weeraaradi
argagixisada ee Itoobiya .
Intaa ka diib cabsida
Al-itihad(iyo sida aan la hubin ee ay ugu xirntahay Al qaacidda)ayey wax
badan marmarsiyo u isticmashey
Itoobiya faragelinta arrimaha
gudaha ee soomaaliya ,Marka la eego
walacaa laga qabo nabad gelyada qaran ee sharciga ah.
10)Ka dib sameyntii dawladda
qaran ee ku meel gaarka ah (TNG),Itoobiya waxay caawisay dhisidda golaha
dib-u-heshisiinta iyo soo celinta ee Somaaliya (SRRC) kuwaas ooka kooban
kooxo la col ah dowladda ku meel gaarka iyo kuwa la jeelka
ah,ciidanka Itoobiya wuxuu siiyey tababarro qadar go’an oo hub,rasaas iyo bixinta alaabta kale
dhammaan xubnaha golaha SRRC
11)Eriteria sido kale waxay
aheyd bixiye-wayn ee hubka iyo rasasta
ee kooxaha Somaalida sida dagaalka u dhexeeyey Itoobiya iyo Eriteria uu isu baddelay mid dheeraaday dhiig badani ku daatay layskuna
mariwaayey,Soomaaliya waxay noqotey goobti dagaalka ee labaad ee u dhexeysa labada isdilaya.
Nasiib-darrose, caddaawadda ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Eretereya iyo
Itoobiya wali way socotaa, waxaana cad
in ay dhiirri-gelisay kaalmada Eretereya
ee kooxaha cadawga ku ah Itoobiya.
12)Yeman waxay siisay qadar
yar oo mucaawina ciidan ah dawladda ku meel-gaarka ah, dhakhsaba ka dib markii
lagu soo dhisay shirweynihii Carta ee Jabuuti. Muhimadda weynise waxay tahay in
ay Yaman u muuqaneyso in ay tahay ilaha gaarka ah ee muhiimka ah ee hubka
ayagoo soo marinaya laba dhuumood. Tan hore, sida halkaa laga soo weriyey waxaa
jira madax sare oo ku jira dawladda Yaman doonayana in ay siiyaan shahaadada
loogu talagalay in ay Yamaniyiintu hubka ku soo iibsadaan iyo in ay u sahlaan
iibinta iyo keenidda hubka saraakiisha dawladda ku meelgaarka ah ee qaranka
TNG( Madaxda Yaman way dafirsan yihiin arrintan). Tan labaaad, ganacsatada
Yaman waxay ka helayeen hubka iyo rasaasta xagga dadweynaha guud ee Yaman
kuwaasoo ka dibna u rarayey Soomaaliya halkaas oo baahida iyo qiimaha hubku ad
u sarreeyeen.
13. Jabuuti, sida ay
sheegeen warar ka soo baxayey ilo lagu kalsoonaan karo oo gudaha iyo caalamkaba
ah, waa goob muhiim u ah kala gudbinta shixnadaha hubka ee Soomaaliya,
Muhiimkuna waa dawladda ku meelgaarka ah. Iyadoo kaalmo yar oo toos ah lagu
eedeynayo,saraakiisha reer Jabuuti waxay u muuqdaan in ay bixiyeen shahaadooyin
been ah oo kuwa hubka lagu soo iibsado ah iyo in ay caawineen abaabulka
qaaditaanka hubka u socda Soomaaliya.
14. Waxaa la og yahay in
Masar ay siineysay tababarro iyo dharka booliiska dawladda ku meel-gaarka ah.
Waxaa jiray halkaa eedeymo / sheegashooyin badan oo dhan Soomaalida ka
imanayey oo sheegaya in taageero ciidan oo xilliyeed ay u gudbaysay TNGga.
Liibiya waxay ku caawisay in ku dhow US$ 2 malyan dawladda ku meel-gaarka ah oo
ay u sii mariasay madaxweynaheeda Cabdiqaasim Salaad Xassan, waxay kaloo ku
caawisay dharka ciidamada iyo qalab kale. Dawlada ku meelgaarka waxay kaloo ka
heshay wasaarada lacagta ee Sacuudiga US$ 15 milyan iyo Qadar oo ay ka heshay
US$3 milyan. Kuweyd sida cad waxay siisay dawlada ku meel-gaarka ah US$0.5
milyan ka dib markii uu shirweynihii Carta ee Jabuuti Dhammaaday. Xubnaha kale
ee Ururka Dawladaha Carabta waxay ballan-qaadeen deeqo, balse ma cadda in
ballan-qaadyadaas la fuliyey iyo in kale. Illaa
iyo intii uu guddigan karay in uu caddeeyo,dawladahani midkoodna ma uuna
isticmaalin sidii uu u koontiroolo / kormeeri lahaa deeqaha ay bixiyeen si
loo ogaado in qaar ka mid ah lacagahaas loo isticmaalay ku soo iibsashada
qalabka militari ee wax laaya.
15. Sida muuqata Suudaan
waxay toos u siisay US$ 1milyan madaxweynaha Cabdiqaasim Salaad Xassan, sidoo
kalena si cad u siisay dharka ciidamada dawladda TNGga sannadihii 2001-2002.
Waxay u muuqataa in horraantii iyo bartamihii sagaashamaadkii(1990s) ay Suudaan
siisay mucaawino maleeshiyadii marxuumkii Maxamed Faarax Ceydiid iyo Itixaadka
Islaamka.
Argagixisada Caalamka
16. Halka walaac ee
Soomaaliya laga qabo, gaar ahaan intii uu ka dambeysay falkii argagixiso ee ka
dhacay Mareykanka 11 Sebteember 2001, waa sababta la’aanta dawlad dhexe oo karti leh oo ka
dhigi karta goob ay ku dhuuntaan argagixistayaasha caalamiga ah. Illaa iyo
hadda cabsidaasi waxay u muuqataa mid aan sal laheyn. Iyadoo guddigan uu helay
dalliillo cad oo sheegaya in kooxda maleeshiyada Soomaalida ee Islaamiga
ah(al-itixaad al-isalam) ay wali ka shaqeeyaan Soomaaliya, waxayse u muuqataa
in aysan wax xiriir toos ah la laheyn
al-qaeda iyo in ay leeyihiin ajenda xooggiisu yahay mid ku wajahan arrimaha
Soomaalida, oo uu ku jiro sidii loo mideyn lahaa meelaha ay Soomaalidu sida
ballaaran ay u deggan yihiin ee dalalka deriska ah. Si kastaba ha ahaatee,
sababta la’aanta dawlad dhexe oo karti leh iyo sharci la’aanta guud ee
jirta,Soomaaliya waxaa laga yaabaa in ay noqoto goob nasasho ee muhiim u ah
kooxaha yaryar ee argagixisada iyo qalabka argagixisada.
17. Sharci la’aanta ka jirta
Soomaaliya ee sii socota, gaar ahaan marka ay ku baahdo xeebaha khatar kuma uun
ahaaneyso Soomaalida oo qudha, balse waxay sidoo kale saameyneysaa beesha caalamka. Waxaa dhowaan
la soo ogaaday ama baaritaannadu
sheegeen in qalabkii iyo waxyaabaha
qarxa ee loo isticmaalay weerarkii Nofeember 2002 ee Mombaasa laga soo
dhoofiyey ama la soo mariyey Soomaaliya oo la soo geliyey xeebta waqooyi ee
Kenya uu yahay keyska lagu hayo Soomaaliya. Beesha caalamku waa in ay wax badab
ka qabato nabadgelyada iyo sida cirib-goynta ee loo isticmaalayo qeybta
ballaaran ee dhaqaale ee xeebta Soomaaliya.
Maalgelinta Iibka Hubka Iyo
Hawgallada Millitari
18. Hoggaamiyayaasha kooxuhu(dagaal-oogayaasha)
waxay ku raadiyaan ama ururiyaanlacagta lagu doonayo iibka hubka siyabo badan.
Xataa wakaalladaha qaramada
midoobay iyo hay’adaha kale eemucaawinada bixiya waa in ay bixiyaan lacago
xad-dhaaf ah si ay u kireystaan baabuurta iyo hantida (guryaha iwm) iyo qaar ay
kubixiyaan nabad-gelyadooda, waxyaabahaas oo ah ilo dakhli oo muhiim u ah
kooxaha Soomaalida.
19. Mararka qaarkod,
qorshayaashaas baadda ah ee ay dagaal-oogayaasha wuxuu wax ku biiriyaa
rabitaanka ganacsiyada waxyeeloobay. Tusaale ahaan ganacsiga gaadiidka, si ay
ugu magdhabaan dakhligii lumay dhaqdhaqaaqyo lacag badan lagu helayo-ganacsiga
hubka dhuumaaleysiga lagu keeno iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo sharci darro ah.
Cawaaqiibt arrinta ee musuqmaasuqa iyo dabeecadaha kale, waxaa suura-gal ka
dhigay sharci la’aanta guud ee Soomaaliya, taasoo noqon doonta mushkilad halis
ah mustaqbalka dheer.
20. Ganacsiga qaadku wuxuu
ila dakhli oo muhiim ah u yahay dagaal-oogayaasha Soomaalida. Iyadoo ay adag
tahay in la sheego qeybta dakhligaas(sida ay u kala helayaan), waxaa lagu
qiyaasay duulimaadyada qaadka ee garoonka dayniile oo keliya caddad ku dhow
US$6,000 maalintii ama US$170,000 bishii. Dakhliga waxaa si cad u qeybsada
Maxamed Afrax Qan-yare oo ah ninka garoonka iska leh, iyo dhowr hoggaamiye
kooxeed sida Cusmaan Caato iyo Cumar ‘Finish’.
21. Sidoo kale,
hoggaamiyayaasha kooxaha iyo ganacsatada kaalmeysa waxay dajiyeen qorshayaal
badan oo lacagta lagu dhaliyo(helo). Illaa iyo dhammaadkii 1996, tiro
dagaal-oogayaal iyo ganacsato ah ayaa ka dalbaday lacagta Soomaaliga madbacado
dibadda ah. Farsamo ahaan, daabacaadda lacagahani lama oran karo waa feek( aan
sax aheyn), maaddama aysan jirin dawlad qeexeysa waxa lacagta saxda ah ee
Soomaaliya ay tahay( Kanada ayaa mar isku dayday in ay ka niyad-jabiso hal
qandaraas oo ku lug lahaa shirkad deggan Toronto oo la yiraa Quebecor),
lakiinse qorshayaashan waxay abuureen ama dhaliyeen lacagta adag ee baahida
badan ay u qabaan dagaal-oogayaasha iyo ganacsatada taageeraysa, isla markaana
fakhri ka sii dhigaya shacab horeyba u sii il-darnaa.
22. Xeebta dheer ee
baadiyaha ah ee Soomaaliya waxay leedahay awood ay ku qaaddo ama xamisho tiro
baaxad leh oo ganacsiga dhammaan gobolka waqooyi-bari ee Afrika ( Tusaale
ahaan, 3.2 milyan neef oo xoolo ah ayaa laga dhoofiyey dekadda Berbera sannadi
1997. In ka badan US$100 milyan oo ah xamuul guud(Badeecooyin) ayaa maraakiibi
ku soo dejisay Jabuuti, badeecadahaas oo ku kala socday dhammaan gobollada
Soomaaliy). Waxay xeebta Soomaalidu leedahay awoodda ay ku qaaddo dhaqdhaqaaqyo
oo aan loo baahneyn oo iskugu jira min isticmaalka cirib-gooyada ah ee
kheyraadka dabiiciga ah illaa iyo hawsha xun ama halista ah ee ka ganacsiga
hubka dhuumaaleysiga, iyo hawgallada burcadnimada iyo argagixisada.
23. Marka laanta Soomaalida
ee kheyraadka badda iyo maraakiibta si ballaaran loo eego- oo ay ku jiraan,
aanse ku koobneyn, ganacsiga iyo maareynta kheyraadka,arrimaha deegaanka iyo
geyiga iyo danaha nabadgelyo- ma noqon karaan kuwo ay beesha caalamku indhaha
ka qabsato intaa in ka badan iyadoon la eegeyn halista iyo malaha cawaaqibta
mustaqbaleed.
24. Qaar ka mid ah
hoggaamiyayaasha kooxeed iyo kuwa siyaasadeed waxaa ay bixiyaansha shahaadada
oggolaansho ee kalluumeysiga kana dhaliyaan ama ka helaan lacago baaxad leh.
Waxaase nasiib-darro ah, wax yar oo lacagtaas la siiyo kooxaha ayuunbaa loo
qoondeeyaa maareynta kheyraadka ama xataa koontoroolidda ama kormeeridda wacan
ee ganacsigaas. Balse, lacagta badankeeda waxaa loo isticmaalaa miliishiyada
iyo ku soo iibsashada hubka iyo saanadda.
25.Deegaanka guud ee sharci
la’aanta ee ku baahaya Soomaaliya, sidoo kale ma aha la yaab in burcadnimada
iyo af-duubka ay yihiin labada tabood ee ay isticmaalaan maleeshiyada
deegaaneed si aay lacagta uga baadaan beesha caalamka iyo Soomaalida labadaba.
Xayiraadda Hubka Ee
Mustaqbalka
26. Inkastoo bayaankii
Eldoret ay saxiixeen dhammaan kooxihii joogay shirweynaha markhaatina ay ka
ahaayeen waddamada deriska, kooxaha badankoodu waxay sii wadeen inay oogaan
dagaallo, soo dajistaan ama ay helaan hub. Sidaasi darteed waa muhiim in la
fuliyo xayiraadda ama cunaqabateynta iyadoo la kordhinayo ama la xoojinayo
go’aanka.
27. Si sida ugu habboon
loogu xoojiyo xayiraadda hubka, beesha caalamku waxay u baahan tahay in ay
adkeyso shabaqa ama dabinka lagu qaban karo ku-xadgubayaasha. Xoojinta guusha
leh ee xayiraadda hubka waxay u baahan tahay in ay iska kaashadaan dawladaha
iyo Soomaalida si loo kormeero/koontoroollo ku-xadgudbyaasha xayiraadda hubka
looguna diido in ay ku-xadgudbayaashaasi helaan meelo ay ku dhuuntaan. Xoojinta
ugu tayada habboon uma baahna oo keliya in la qabto shixnadaha hubka balse waa
in la joojiyaa dhammaan xiriirrrada ganacsiyeed iyo dhaqdhaqaaqyada baananka ee
ku xiriirsan iibka hubka iyo maalgelinta dagaalka ee Soomaaliya, waana in ay ku
aroortaa oo ay keentaa soo celinta dhammaan hantidii la dhacay.
28. Waxaa dheeraad ah,
guddigani wuxuu soo dhoweynayaa uuna
jeclaan lahaa in uu dhiirrigeliyo oo fududeeyo dadaalka ay sameeyeen
ganacsatada Soomaalida iyo bulshada rayadka ah iy qeybaha aan Soomaalida aheyn
ee kale ee daneynaya in ay kaalmeeyaan kana qeyb-qaataan dadaalka lagu
xoojinayo xayiraadda iyo mamnuucidda la xiriirta ee maalgelinta iibka hubka.
Sida ugu caansanna ama ugu cadna waxaa taageeradan lagu sheegay ‘ bayaankii taageerada’
ayna soo gudbiyeen xubnaha golaha ganacsiga Soomaalida ee Dubai iyo ururka
indheer-garadka Soomaalida labadaba iyo warqadihii ay soo direen shirkadaha
sharafta leh ee ugu horreeya ee daabaca lacagaha.
29. Guddigu wuxuu aaminsan
yahay in xayiraadda hubeed oo si
wanaagsan loo fuliyo ay joojin karto ama goyn karto hubka ku qulqulaya
Soomaaliya oo ay wehelinayso dagaalka hubeysan oo isaga yaraanaya. Tani waxay
markaa abuureysaa xaalad siyaasadeed ee loogu baahnaa in si guul leh loo fuliyo
loona dhameystiro heshiis nabadeed oo Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee,
xayiraaddu waa in la xoojiyaa si ay u noqoto mid habbooni u dhacda. Dhaliil
rasmi ah oo loo jeedinayo dalalka ku xadgudba xayiraaddan ayaa ah tallaabo
muhiim ah, balse sii waddidda kormeer xooggan ayaa sidoo kale loo baahan yahay.
Kama dambeystii, guddigu wuxuu kaloo rumeysan yahay in ay muhiim tahay in uu
Galaha Ammaanku cusbooneysiiyo muddada shaqeed ee guddigan iyo sidii loo fulin
lahaa talo-bixinnada ku lifaaqan warbixintan.
.