Web Hosting
Main Page
Latest News
BBC Somali 1800

BBC Somali 1600

Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference



M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.


Search BBC News

 


Previous News

Sep-Oct 2004 News
Aug 2004 News
July 2004 News
June 2004 News
May 2004 News
April 2004 News
Mar. 2004 News
Feb. 2004 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


Kulanka 10aad ee Jaaliyadda Mataan Cabdulle ee Toronto

 

Toronto,20th August 2017
By Banadir.com

Waxaa shalay oo ku beegnayd taariikhda 19ka August sanadkan 2017 lagu qabtay mid ka mid ah beeraha nasashada magaalada Toronto ee dalka Kanada xaflad lagu maamuusayay kulanka 10aad ee Jaaliyadda ku abtirsata Beelweynta Beesha Mataan Cabdulle oo ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha qoysaska ay ka kooban yihiin ,xaasleyda,caruurta,dhalinyarada rag iyo gabdho,indheer-garadka iyo haweenka.

Xafladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxay ahayd mid loo qabtay qaab qado-dibadeed ah ( Picnic & barbecue ) waxayna dhamaan xubnihii ka soo qaybgalay kulankaas ay ku qaateen waqti aad u wacan, ayagoo ku qadeeyay beertaas iyo hawadeeda neecawda leh, iskuna bartay intii aan is-aqoon ayagoo isku soo qaaday ka hadalka wax allaale wixii dan u ah bulshadaas guud ahaan, gaar ahaana ku dhaqanka jidka toosan ee diinteena Islaamka na fareyso.

Waxaa kaloo xusid mudan in iyadoo inta badan ka soo qayb-galayaasha xafladdan ay ka yimaadeen magaalada Toronto iyo degmooyinka ku wareegsan, in ay iyana jirtay qoysas ka yimid magaalooyinka dalka Mareykanka, gaar ahaana magaalada Columbus iyo waliba dalka Ingiriiska iyadoo ugu danbeyn Odayaasha looga danbeeyo hogaaminta beesha laga dhageystay erayo waano u-ah bulshada iyo duco-faatixa ah oo loogu duceeyay xubno ka xanuunsan Jaaliyadda. Ilaahay ha caafiyo inta xanuunsan... aamiin Yaa Allah.

Gebegebidii kulankaas ayaa waxaa looga soo jeediyay goobtaas hadalo guubaabo iyo mahadnaq u-ah xubnihii ka tirsanaa guddiga qaban-qaabada xafladdan gaar ahaana Mudane Cabdulasiis M. Hilowle oo ku magac dheer Qasaaye, Mudane Imaan Nuur Shuukow, Marwo Shukri Hilowle Abukar (Shiino) iyo Mudane Abdilfatah Ali.

Si dhabtu tahay, waa tallaabo ku dayasho mudan oo looga baahan yahay dhamaan jaaliyadaha ku dhaqan dalalka adduunka inay ku dhaqaaqaan maxaa yeelay waa aas-aas lagu barayo jiilka cusub ee dhalinteena ah,gaar ahaana kuwa ku dhasaha dalalka dibedda ah abtir-siinyadooda iyo halka asalkoodu yahay, si ay iyana u-baraan kolka ay caruur yeeshaan sidaad oo kale dhalinta ay dhali doonaan dhaxalkooda.


Hosted and Developed By The Web Technology

Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 


The Centre for Research & Dialogue (CRD)
-->