|
Gudoomiyaha
Ururka Haweenka Soomaaliyeed Drs. Caasho Cumar "Geesdiir"
oo beryahan booqasho wacyigilin ah ku maraysay North
America soo gaartay Magaalada Toronto, Canada. Drs Caasho
waxay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda guud ee dalka
uu maraayo, iyo sida loogu baahan yahay qurba jooga
Soomaliyeed inay kaalin wax ku ool ah ka qaadan dib
u dhisidda Soomaliya. Xafladaas oo ay ka qayb galeen
dhamaan qurba jooga degan magaaladda Toronto, waxaana
si gaar ah uga dhex muuqday soo dhowaynta Drs Caasho
asxaabteeda Jaamacadda Hindiya , Fanaaniita Qaranka
iyo dadweyne fara badan.
Drs
Caasho waxaay ka codsatay qurba jooga inay xoogooda
iyo maalkooda isugu geeyaan siday wax ugu tari lahaayeen
walaalahooda Soomaaliyeed ee wadanka jooga , gaar ahaan
haweenka Soomaliyeed oo dhibta ugu wayn ay soo gaartay
mudadii 20 ka sanno ee la soo dhaafay.
Drs
Caasho waxay kaloo booqasho gaaban ku tagtay Wadanka
Maraykanka oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Qabanqaabiyayaasha:
Hilowle Abukar, Axmed Mire, Farxiyo Gacal, Dhabaryare
iyo Batuulo Sh. Axmed.
|