|
Nairobi
12/08/2011
By Banadir.com
Waxaa
magaaladda Nairobi soo gaaray Mudane Hilowle Abukar Mohamed
oo ka mid ah qurbajooga Soomaliyeed ee ku nool magaaladda
Toronto ee wadanka Canada. Mudane Hilowle Abukar oo socodkiisa
ku soo aaday waqti xasaasi ah oo Caasimadda Muqdisho ay ka
jiraan Isbadalo iyo dhibaatooyin badan oo dhinac kasto leh,
ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato Madax Dhaqameedyo, Madaxda
Gobolka iyo Madaxda Sare ee Dowladda Ku Meelgaarka si uu qayb
uga qaato dib u dhisidda Caasimaada iyo Mataanayta Magaalooyinka
Toronto iyo Muqdisho.
| Mudane
Hilowle Abukar (Shiino) oo berisimaadka ka soo shaqeeyey
Wasaaradii Dalxiiska, Safaaradahii Soomaliyeed ee Roma iyo New York, muddooyinki
dambana kala soo shaqeeyay barnaamijyadda Adeega Bulshada
East African Community Duqii hore ee Magaaladda Toronto
Mayor David Miller, ayaa laga filayaa inuu ka mid noqdo
qurbajooga naftooda u soo huray dib u dhisidda Wadanka
gaar ahaan Caasimadda Muqdisho. |

Mudane
Hilowle Abukar Mohamed
|
Mudane
Hilowle oo hadda ah Director-ka Guud ee Riverdale
East-African Canadian Association( NGO ka dhisan Barriga Magaaladda
Toronto)
una adeega Bulsaha weynta East African Community, qibradna
u leh howlaha u adeega Bulshada, kagana qayb galay tababaro,
kuna mudaystay Shahaadooyin, ayaa bulsha
weynta Soomaliyeed ee Muqdisho ay ka dhowrayaan inuu ku biiriyo
qibradiisa dib u dhisidda iyo nolol ku soo celinta Caasimadda
Muqdisho.
|